Wasiir Khadiija oo soo dhaweyn heerkeedu sarreeyo loogu sameeyay Dalka Jabuuti

Wafdiga Ra’iisulwasaaraha Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre ee ku sugan dalka Jabuuti waxaa ka mid ah Wasiirka Wasaaradda Haweenka iyo Horumarinta Xuquuqda Aadanaha Xil. Khadiija Maxamed Diiriye.

Wasiirka Haweenka Jabuuti #Muna iyo Urur-Weynaha Haweenka Jabuuti ayaa soo dhaweyn heerkeedu sarreeyo waxa ay u sameeyeen Wasiir Khadiija.

Sidoo kale Haweenka Jabuuti ay hormuud u tahay Marwadda Koowaad ee Jabuuti Madam Khadra Maxamuud Xeyd ayaa kulan qado iyo is xog-wareysi la qaadatay Wasiirka Haweenka Soomaaliya.

“Waxaan u mahadcelinayaa Marwadda Koowaad ee Jabuuti Madam Khadra Xeyd, Dhigeeyga Jabuuti Wasiir Muna iyo Urur-Weynaha Haweenka Jabuuti oo maanta igu maamuusay hadimo sharafeed.” Xil. Khadiija Maxamed Diiriye Wasiirka Wasaaradda Haweenka iyo Horumarinta Xuquuqda Aadanaha XJFS.

Ugu dambeyn hoggaanka Haweenka Jabuuti iyo Wasiir Khadiija ayaa ku ballamay in xoojiyo wada shaqeynta labada shacab ee walaalaha ah.

Scroll to Top