Wasaaradda Haweenka Oo Tababar Usoo Xirtay Howlwadeennada Wasaaradda, Qaar Ka Mid Ah Odaaysha Dhaqanka iyo Culimada.

Waxaa maanta oo ay taariikdu tahay 25 September loo soo gaba gabeeyay howlwadeennada Wasaaradda, qaar ka mid ah Odayaasha dhaqanka iyo Culimada tababar ku saabsanaa tacadiyada ka dhanka ah haweenka, hoggaaminta, nabadeynta iyo xallinta khilaafaadka, kaas oo ay qabatay Wasaaradda Haweenka iyo Xuquuqda Aadanaha oo kaashaneysa UNDP
Tababarkan oo ahaa mid labo maalin ah ayuu ujeedkiisa ahaa in dhinacyada loo diyaarsho sidii ay iyagana tababar usii siin lahaayeen bulshada qeybaheeda kala duwan.
Dhinacyadii tababar qaatay ayaa dhankooda uga mahadceliyay macallimiintii siisay tababarka, waxeyna ballan qaadeen in ay si masuuliyad ku jirto ay ugu gudbin doonaan casharrada ay qaateen qeybaha kala duwan ee bulshada, sii looga hortago tacadiyada ka dhanka ah haweenka, kor loogu qaado dowrkooda hoggaamineed iyo midka kaga aaddan xallinta khilaafaadka.
Agaasimaha shaqaalaha iyo tababarrada Wasaaradda Cabdirisaaq Aadan Guuled oo tababarka soo xiray ayaa la dardaarmay darafyadii kala duwanaa ee tababarka qaatay, isagoona ku boggaadiyay fahamkooda ku aaddan casharradii la siiyay labadaas maalin, kulana dardaarmay in ay gudbiyaan casharridii ay qaateen.
Scroll to Top