Wasaaradda Haweenka iyo Horumarinta Xuquuqda Aadanaha XJFS oo aqoon-is-weydaarsi u qabatay qeybaha bulshadda

Wasaaradda Haweenka iyo Horumarinta Xuquuqda Aadanaha XJFS oo aqoon-is-weydaarsi u qabatay qeybaha bulshadda.

Aqoon-is-weydaarsigan oo ay furtay Agaasimaha Waaxda Horumarinta Haweenka ee Wasaaradda Haweenka iyo Horumarinta Xuquuqda Aadanaha XJFS Mudan Sacdiya Maxamed Nuur ayaa waxaa ka qeyb galay Ururada Bulshada Rayidka, Haweenka Degmooyinka iyo Aqoonyahano ku xeel-dheer arrimaha nabadeynta xalinta khilaafaadka.

Muddada 3-cisho ee tababarka uu socday waxaa diirada la saaray Doorka Haweenka ee Hoggaaminta Nabadda iyo Dhex-dhexaadinta dib-u-heshiisiinta iyo horumarinta wadajirka ah ee bulshadda.

Ka qeyb galayaasha ayaa si weyn ugu riyaaqay arrimaha lagu gorfeeyay xilliga uu socda Aqoon-is-weydaarsiga kasoo wax badan ifiyay, waxa ay ugu mahadceliyeen Wasaaradda Haweenka iyo Horumarinta Xuquuqda Aadanaha XJFS qabashada aqoon-is-weydaarsiga.

Scroll to Top