Madaxda iyo howlwadeennada Wasaaradda Haweenka iyo Horumarinta Xuquuqda Aadanaha XJFS Oo u Dhaqaaqay Gurmadka Dadkii Lagu Waxyeeleeyay Qarixii Zoobe 2.

Madaxda iyo howlwadeennada Wasaaradda Haweenka iyo Horumarinta Xuquuqda Aadanaha XJFS oo u dhaqaaqay dhiig bixinta, samata-bixinta iyo gurmadka dadkii lagu waxyeeleeyay Qarixii Zoobe 2.

Howlwadeennada wasaaradda oo ay hor kacayaan wasiirka wasaaradda, wasiir ku xigeenka, wasiir dowlaha, agaasimaha guud iyo agaasime waaxeedyada oo saakay ka dhaqaaqay xarunta wasaaradda ayaa gaaray Isbitaalka Martiini, halkaas oo ay dhiig ku shubi doonaan.

Sidoo kale howlwadeennada iyo masuuliyiinta wasaaradda ayaa uga sii gudbi doono ka qeybqaadashada gurmadka loo fidinaayo dadkii ku waxyeeloobay qaraxa.

Wasiirka wasaaradda Xil. Khadiija Maxamed Diiriye oo hormuud u ah arrintan ayaa howladeennada iyo masuulinta wasaaradda ku boggaadisay sida ay u muujiyeen diyaar u ahaanshiyaha samata-bixinta iyo u gurmashada dadkii Soomaaliyeed ee ku waxyeeloobay musiibadii shalay.

 

Scroll to Top