Kulanka Guddiga Wadajirka ee Xuquuqda Aadanaha

 

Xarunta Safaaradda Ingiriiska waxaa maanta ku qabsoomay kulan ay hoggaamineysay Wasiirka Wasaaradda Haweenka iyo Xuquuqda Aadanaha XJFS kulankan ayaa waxaa ka qeyb galay xubnaha Safaaraddaha Dowladdaha saaxiibka la ah Soomaaliya ee ka shaqeeyo arrimaha Xuquuqda Aadanaha.

“Waxaa naga go’an ilaalinta Xuquuqda Aadanaha iyo dardargelinta howlahaas ee iminka hor-tebinta u leh Wasaaradda, Beesha Caalamka waxaan ku boogaadinayaa kaalintooda arrintan.” Sidaas waxaa tiri Wasiir Khadiija Maxamed Diiriye.

Guddiga Wadajirka ee Xuquuqda Aadanaha ayaa isku raacay in la iska kaashado arrimaha Xuquuqda Aadanaha.

 

Scroll to Top