DOOD CILMIYEED AY KU HOGGAAMINAYAAN CULIMADA OO KU SAABSAN XUQUUQDA HAWEENKA IYO ISLAAMKA

Wasaaradda Haweenka iyo Horumarinta Xuquuqda Aadanaha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federalka Soomaaliya ayaa maanta qabatay Dood ku saabsan Haweenka iyo Islaamka.

Dooddan oo socon doonto muddo labbo maalin ah ayaa waxaa si rasmi ah u furay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Haweenka iyo Horumarinta Xuquuqda Aadanaha Isaaq Xaashi Jimcaalle.

Guddoomiyaha Hay’adda Culimada Soomaaliyeed Sheekh Bashiir Axmed Salaad ayaa ugu horreyn si faahfaahsan uga hadlay madasha waxana uu yiri.

Sidoo kale Agaasimaha Carruurta iyo Arrimaha Qoyska ee Wasaaradda Haweenka iyo Horumarinta Xuquuqda Aadanaha XJFS Sheekh Faaduma Maxamed Cali ayaa Doodda kusoo dhaweysay martida kulanka ka qeyb galaysay waxana ay sharraxday muhiimada Haweenka iyo Islaamka.

Qaar ka mid ah Haweenka Culimada ee kulanka ka qeyb galay ayaa tilmaamay Dooddaha noocaan ah inay sarre u qaadayaan fahamka Haweenka iyo Islaamka waxanna ay uga mahadceliyeen Wasaaradda Haweenka iyo Horumarinta Xuquuqda Aadanaha XJFS.

Tan iyo markii ay 13 August ee sannadkii hore ee 2022 ay la wareegtay Wasiir Khadiija Maxamed Diiriye Wasaaradda Haweenka iyo Horumarinta Xuquuqda Aadanaha XJFS waxa ay ku howlan tahay sidii sarre loogu qaadi lahaa howlaha hor-tebinta u leh iyadoo oo dhammaan qeybaha Haweenka Soomaaliyeed taariikhda markii u horreysay u abuurtay Hoggaamiyayaasha Haweenka Soomaaliyeed taas oo xoojisay midnimada Haweenka Soomaaliyeed.

Scroll to Top