Agaasimaha Horumarinta Haweenka wasaaradda Sadia Maxamed Nuur Oo Aqoon Isweydaarsi Usoo Xirtay Qaar Ka Mid ah Wasaaradaha, Ururrada Bulshada iyo Haweenka Gobolka

Agaasimaha Horumarinta Haweenka wasaaradda Sadia Maxamed Nuur ayaa soo xirtay aqoon isweydaarsi ku aaddan fahamka qorshaha qaran ee Haweenka Nabadda iyo Amniga Soomaaliya ee hirgelinta qaraarka Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay, kaas oo socday muddo 2 maalin ah.

Aqoon isweydaarsigan ayaa waxaa qeyb ka ahaa qaar ka mid ah wasaaradaha XJFS, Ururrada Bulshada iyo haweenka gobolka Banaadir, waxeyna dhinacyada isku dhaafsadeen wax badan oo faa’ido u ah.

Agaasime Sacdiyo oo xiritaanka ka hadashay ayaa ku dheeraatay sida ay muhiim u tahay in la badiyo kulamadaan oo kale oo ay dhinacyadu isku weydaarsanayaan aqoonta.

Scroll to Top