Agaasimaha guud ee Wasaaradda Haweenka iyo Horumarinta Xuquuqda Aadanaha XJFS Mudane Isaaq Xaashi Jimcaale oo maanta furay aqoon is-weydaarsi ku saabsan xuquuqda Haweenka iyo Islaamka.
Wasaarada Haweenka iyo Horumarinta Xuquuqda Aadanaha XJFS ayaa maanta soo qaban qaabisey kulan balaaran oo looga hadlayo Xuquuqda Islaamka ee Haweenka iyo aragtida dhaqanka Soomaaliyeed iyadoo kulanka ay hogaaminayaan Culimaa’udiinka Soomaaliyeed waxaana kasoo qeyb galay odayaasha dhaqanka gabdhaha culimada ururada bulshada rayidka iyo wasaaradaha Diinta iyo Awqaafta iyo Wasaarada Cadaalada.
Qodobada ugu waaweyn ee ay culimada iyo odayaasha dhaqanka kaga hadalayaan mudada kulanka socda ayaa ah:
· KARAAMEYNTA HAWEENKA EE ISLAAMKA
· XUQUUQDA HAWEENKA DHINACA ARIMAHA BULSHADA (Xuquuqda Guurka iyo Dhisidda Qoyska)
· XUQUUQDA HAWEENKA EE ISLAAMKA DHINACA MAAMULKA IYO SIYAASADDA
· XUQUUQDA HAWEENKA DHANKA WAX-SOOSAARKA DHAQAALAHA IYO LAHAANSHA HANTIDA
· HAWEENKA IYO SINAANTA GARSOORKA