Ra’iisul wasaaraha xukuumadda Xamze Cabdi Barre ayaa soo saaray liiska Golaha Wasiirrada. Wasaaradda Haweenka iyo xuquuqda aadanaha ayaa yeelatay wasiirro cusub, sida wasiir, wasiir dowle iyo wasiir ku xigeen, waxaana wasiirka wasaaradda loo magacabaay Xil. Khadiija Maxamed Diiriye, halka wasiir dowlaha wasaaraddaas loo magacaabay Aamina Xasan Cali, waxaana sidoo kale wasiir ku xigeenka wasaaradda Haweenka loo magacaabay Cabdixakiin Jimcaale Aadan.
Wasiirkii hore ee wasaaradda, wasiir ku xigeenkii hore, agaasimaha guud, agaasime waaxeedyada iyo howlwadeennada wasaaradda ayaa hambalyo u diray wasiirrada magacaaban oo dhawaan lagu wado in ay xilka la wareegaan. Wasiir Khadiija ayaa markii 3-aad la wareegi doonto xilka wasiirka wasaaraddan Haweenka iyo Xuquuqda Aadana, waxaana shaqsi qibrad sare u leh howlaha ay bulshada u heyso wasaaraddan.
Scroll to Top