Wasaaradda Haweenka iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka

         Xilka iyo Waajibaadka Wasaaradda

  1. Dejinta, horumarinta iyo dhaqan gelinta Siyaasadda Horumarinta Haweenka iyo Xuquuqul Insaanka.
  2. Dib u habeynta, casriyeeynta iyo tayeynta xafiisyada, maamulka iyo hawlwadeennada wasaaradda.
  3. Ilaalinta hantida Wasaaradda iyo soo celinta midda ka maqan.
  4. Dabagalka heshiisyadii horay loo galay ee Wasaaradda khuseyso.
  5. Soo jeedinta shuruucda khuseysa hawlaha Wasaaradda.
  6. Diyaarinta iyo soo bandhigidda warbixin xilliyeed joogto ah oo ku aaddan hawlaha wasaaradda.
  7. Dhiirigelinta iyo gacansiinta siyaasadda dhaqaale ee haweenka.
  8. Xoojinta iyo kor u qaadidda nolosha qoyska.
  9. Dhawrista xuquuqda Haweenka iyo Carruurta.
  10. Soo jeedinta shuruucda iyo xubnaha Guddiga Xuquuqul Insaanka.
  11. Fulinta geedi socodka ilaalinta xuquuqul insaanka Dalka.
  12. Ka hortagga iyo joojinta gudniinka fircooniga ah.
  13. Diyaarinta barnaamijyada horumarinta carruurta iyo haweenka.
  14. Xoojinta iskaashiga wasaaradda iyo hay’adaha daryeelka haweenka iyo carruurta.
  15. Gacansiinta dhismaha ururrada haweenka.
  16. Horumarinta Dugsiyada Waxbarashada Dhaqaalaha Guriga.
  17. Soo jeedinta iyo horumarinta shuruucda haweenka iyo carruurta
  18. Ka hortagga shaqaaleynta carruurta aan qaangaarin.
  19. Diyaarinta iyo horumarinta xarumaha lagu ciyaarsiiyo carruurta.
  20. Qiimeynta iyo dabagalka fulinta waajibaadkii loo xil saaray wasaaradda.