Mabaadi’da la xiriirta Maqaamka Hay’adaha Qaran (Mabaadi’da Paris)

Waxaa lagu ansixiyay qaraarka Golaha Guud ee tirsigiisu yahay 48/134 ee soo baxay 20ki Disembar 1993

Aqoonta/kartida iyo mas’uuliyadaha

  1. Hay’ad qaran waa inay karti iyo aqoon u leedahay kor u qaadista iyo ilaalinta xuquuqda aadanaha.
  2. Hadba intii suurto gal ah, hay’ad qaran waa in la siiyaa mas’uuliyad xileed ballaaran oo si cad loogu qeexay qoraal dastuur ama sharci gaar ah, mas’uuliyad xileedkaasina waa inuu qeexaa hab-dhismeedka iyo hawlaha ay u xilsaarantahay hay’adda qaran.
  3. Hay’ad qaran waxaa saaran mas’uuliyadaha hoos ku xusan, iyo weliba mas’uuliyado kale:
    1. Inay aragtiyada, talooyinka, soojeedinta iyo warbixinno ku saabsan arrin kasta ee khuseysa kor-u-qaadista iyo ilaalinta xuquuqda aadanaha usoo gudbiso Dowladda, Baarlamaanka ama hay’ad kale oo awood u leh, ayna ugusoo gudbiso qaab wadatashi ah ama codsi uga yimaada hay’adaha ay khusayso ama iyadoo adeegsanaysa awoodda ay u leedahay dhageysiga arrin aanay uga baahnayn ogolaansho ama tilmaan kor uga timaada; hay’adda qaran waxay go’aansan kartaa inay faafiso arrimahaas; aragtiyadaas, talooyinkaas, soojeedintaas iyo warbixinnadaas, iyo weliba wixii kale ee ay xaq u leedahay hay’adda qaran, waa inay la xiriiraan arrimaha soo socda::
      1. Qodobbo kasta ee ku saabsan sharci ama maamul, iyo welliba qodobada la xiriira hay’adaha garsoorka, ee loogu talo galay in lagu ilaaliyo laguna kordhiyo ilaalinta xuquuqda aadanaha; iyadoo arrimahaas la tixraacayo, ayaa hay’adda qaran waxay hubinaysaa oo indha-indhayn ku samaynaysaa qodobada sharci iyo kuwa maamul ee lagu dhaqmo, iyo weliba hindise sharciyeedyada iyo soojeedinta, waxayna talo ku biirinaysaa hadba halkii talo looga baahanyahay oo ku habboon si loo hubiyo in qodobadaasi ay la jaan-qaadaan mabaadi’da asaasiga u ah xuquuqda aadanaha; haddii ay lagama maarmaan noqoto, waxay ku talinaysaa in la qaato sharci cusub, in wax laga bedelo sharciga lagu dhaqmo ama in la qaato ama wax laga bedelo tallaabooyinka maamul;
      2. Xaalad kasta oo xadgudub oo lagu xadgudbay xuquuqda aadanaha taas oo hay’adda qaran go’aan ku gaartay inay wax ka qabato;
      3. Diyaarinta warbixinnada ku saabsan xaaladda dalka ee khusaysa xuquuqda aadanaha guud ahaan, iyo dhacdooyinka gaarka ah;
      4. In dareenka Dowladda ay kusoo jeediso xaaladaha ka jira meel kasta oo dalka kamid ah oo looga xadgudbay xuquuqda aadanaha, ayna soojeediso qorshooyin lagu cirib tirayo xaaladaha noocaas oo kale ah, haddii ay lama maarmaan noqotana, ay aragti ka dhiibato moqifka iyo falcelinta Dowladda;
    2. Inay kor u qaaddo oo ay xaqiijiso in sharciyada dalka, xeerarkiisa iyo habdhaqankiisa la waafajiyo xeerarka caalamiga ah ee xuquuqda aadanaha ee ay Dowladdu xubinta ka tahay, iyo in xeerarkaas si wax ku ool ah loo dhaqan geliyo;
    3. nay dhiirri geliso ansixinta/meelmarinta xeerarkaas kor ku xusan ama in lagu biiro oo xubin laga noqdo xeerarkaas, lana xaqiijiyo dhaqan gelintooda;
    4. Inay gacan ka geysato (wax ku biiriso) warbixinnada looga baahanyahay Dowladuhu inay u gudbiyaan hay’adaha/waaxyaha Qaramada Midoobay iyo guddiyadeeda, iyo hay’ad goboleedyada, iyadoo la raacayo waajibaadka ka saran heshiiska la galay, haddii ay lagama maarmaan noqotana, ay aragti kasiiso [Dowladdaha] arrinta markaas laga hadlayo, iyadoo la ixtiraamayo madaxbanaanidooda;
    5. Inay la shaqayso Qaramada Midoobay iyo hay’ad kasta oo ku shaqaysa nidaamka Qaramada Midoobay, hay’do goboleedyo iyo hay’ado qaran oo laga leeyahay waddamo kale oo awood u leh (xaq u leh) ka-hawlgelidda arrimaha ilaalinta iyo sare-u-qaadista xuquuqda aadanaha;
    6. Inay gacan ka geysato diyaarinta barnaamijyo waxbarasho iyo kuwo cilmi baaris oo ku saabsan xuquuqda aadanaha, iyo inay ka qaybqaadato hirgelintooda oo laga hirgeliyo dugsiyada waxbarasho, jaamacadaha iyo xarumaha xirfadleyda;
    7. Inay faafiso xuquuqda aadanaha iyo dadaallada lagula dagaallamayo noocyo kasta oo takoor ah, gaar ahaan takoorka ku salaysan isir nacaybka, iyadoo [si loola dagaalamo takoorka] la kordhinayo wacyigelinta dadweynaha, iyadoo loo marayo xogta (xog siin) iyo waxbarasho, lana adeegsanayo dhamaan qaybaha warbaahinta.

Qaab-dhismeedka iyo damaanad-qaadka madaxbanaanida iyo kala-duwanaanshaha

  1. Qaab-dhismeedka hay’adda qaran iyo magacaabista xubneheeda, doorasho haku yimaadaan ama si kaleba, waxaa loo marayaa si waafaqsan habraacyada qeexaya dhamaan damaanad-qaadyada lagama maarmaanka ah si loo xaqiijiyo metelaad ay ka muuqato kala-duwanaanshaha xoogagga bulshada (ururada bulshada) ee ku hawlan ilaalinta iyo sare-u-qaadista xuquuqda aadanaha, gaar ahaan awoodaha suurto gelinaya wadashaqayn wax ku ool ah oo dhexmarta, ayna ka muuqdaan, xubnaha kala metelaya:
    1. Hay’adaha aan dowliga ahayn ee u xilsaaran xuquuqda aadanaha iyo dadaallada lagula dagaallamayo isir nacaybka, ururada shaqaalaha, hay’adaha bulsho iyo kuwa xirfadleyda ah ee arrintu khysayso, tusaale ahaan, ururada qareenada, dhakhaatiirta, wariyeyaasha iyo seynisyahannada caanka ah (magaca ku dhex leh bulshada);
    2. Jihooyinka (ururada) falsafadda ku dhisan iyo aragtiyada (madaahibta) diinta;
    3. Jaamacadaha iyo khubarada aqoonta leh;
    4. Baarlamaan;
    5. Waaxyada Dowladda (haddii qayb ka noqonayaan hay’adda qaran, waa in dad iyaga metelaya ay ka qayb galaan wadahadallada/wadatashiyada, ugana qaybgalaan qaab talabixin oo kaliya).
  2. Hay’adda qaran waa inay leedahay kaabe dhaqaale oo ku habboon habsami usocodka hawleheeda, gaar ahaan waa inay leedahay dhaqaale ku filan. Ujeedada loogu talo galay dhaqaalahaas waa inay ahaataa sidi hay’adda qaran u yeelan lahayd shaqaaleheeda iyo dhismayaasheeda u gaarka ah, si ay uga madaxbanaanaato Dowladda oo aan loogu xakamayn arrimo dhaqaale, taas oo saamayn ku yeelan karta madaxbanaanideeda.
  3. Si loo xaqiijiyo mas’uuliyad xileed xasilloon oo ay yeeshaan xubnaha hay’adda qaran, taas oo haddii la waayo aanay jiri doonin madaxbanaani, magacaabistooda waa inay kusoo baxdaa xeer rasmi ah oo qeexaya muddada loogu talo galay mas’uuliyad xileedka (mandate). Mas’uuliyad xileedka waa la cusbooneysiin karaa, waase marka laxaqiijiyo kala-duwanaanshaha xubnaha katirsan hay’adda qaran.

Qaabka hawlgalka

Iyadoo raacaysa qaabka guud ee hawlgalkeeda, ayaa hay’adda qaran waxay:

  1. FSi xoriyad ku dheehantahay uga baaraan-degeysaa su’aalaha hoos imaanaya hawlaha ay kartida u leedahay, su’aalahaas ha noqdeen kuwo ay soo gudbisay Dowladda ama kuwo hay’adda qaran si iskeed ah uga hawlgashay oo aanay hay’ad ka sarreysa usoo gudbinin, iyadoo ka duulaysa soojeedinta xubneheeda ama codsade kasta oo soo gudbiya codsi-wadareed (petitioner),
  2. Dhageysanaysaa qof kasta, waxayna raadinaysaa xog kasta iyo qoraal (dokumenti) kasta oo lagama maarmaan u ah qiimaynta xaaladaha ay hay’adda qaranku awoodda u leedahay wax ka-qabashadooda;
  3. Ka-jawaabeysaa (wax ka qabanaysaa) aragtida dadweynaha, oo ay uga jawaabayso si toos ah ama waxay u mareysaa qeybaha warbaahinta, gaar ahaan si ay u faafiso aragtiyadeeda iyo talooyinkeeda;
  4. U kulmeysaa/shiraysaa si joogto ah, markii laga maarmi waayana waxay kulmeysaa iyadoo ay wada joogaan dhamaan xubneheeda kadib markii ay timaado arrin [dhamaan] wada khuseysa;
  5. Dhisaysaa koox-hawleedyo lagasoo dhex xulay xubneheeda hadba sidii loogu baahdo, waxayna dhisaysaa waaxyo heer gobol iyo heer deegaan ah si ay uga caawiyaan gudashada hawleheeda;
  6. Joogteynaysaa wadatashiga ay la leedahay hay’adaha kale, ha ahaadaan hay’ado awood u leh hawshan ama kuwo aan u lahayn, ee u xilsaaran sare-u-qaadista iyo ilaalinta xuquuqda aadanaha (gaar ahaan, halka looga dacwoodo falalka dowladda, dhexdhexaadiyeyaal iyo hay’adaha la hal maala);
  7. Iyadoo la tixgelinayo dowrka asaasiga ah ee ay cayaarayaan hay’adaha aan dowliga ahayn kuna aaddan ballaarinta shaqada hay’adda qaran, ayay hay’adda qaran waxay abuureysaa xiriir ay la yeelanayso hay’adaha aan dowliga ahayn ee u jajaban sare-u-qaadista iyo ilaalinta xuquuqda aadanaha, dhaqaalaha iyo horumarinta bulshada, la-dagaallanka isir nacaybka, badbaadinta gaar ahaan kooxaha nugul (gaar ahaan caruurta, shaqaalaha muhaajiriinta ah/soo-galooti, qoxootiga, dadka dhimirkooda ama laxaadkoodu dhimanyahay) ama qaybo kale oo gaar ah (takhasusi ah).

Mabaadi’ dheeraad ah oo khusaysa maqaamka guddiyada awoodda dadban u leh hawlaha garsoorka

Hay’ad qaran waxaa awood loo siin karaa inay dhageysato kana baaraan degto cabashooyinka iyo codsi-wadareedyada la xiriira hey’adaha goonida u taagan. Kiisaska waxaa hay’adda qaran horkeeni kara shakhsiyaad, xubno iyaga wakiil ka ah, dhinacyo saddexaad, hay’ado aan dowli ahayn, ururada midowga shaqaalaha ama hay’ad kasta oo wakiil ah. Xaaladahaas oo kale, iyadoo aan waxba loo dhimin mabaadi’da kor ku xusan ee khusaysa awoodaha kale ee guddiyada, ayaa waajibaadka loo igmaday [guddiyada] waxaa lagu salaynayaa mabaadi’da soo socota:

  1. Raadinta xal nabadeed oo loo maro waan-waan ama, iyadoo aan laga tallaabaynin xuduudda ku cad sharciga, go’aanno kama dambays ah, haddii laga maarmi waayana, ay ku qotomaan sirxajin (confidentiality);
  2. In soo dacwoodaha soo gudbiyay codsi-wadareed lagu wargeliyo xuquuqdiisa, gaar ahaan xaalmarinta uu heli karo, iyo in loo fududeeyo sidii uu ku heli lahaa;
  3. Dhageysiga cabasho kasta ama codsi-wadareed ama gudbinta cabashooyinka iyo codsi-wadareedyada loo gudbiyo hay’ado awood u leh [wax kaqabashadooda] iyadoo aan laga bixin xuduudda uu jeexay sharciga;
  4. Talo soojeedin lasiiyo hay’adaha awoodda u leh hawsha, gaar ahaan in loosoo jeediyo wax ka-bedelid ama dib u habayn lagu sameeyo sharciyada, xeer nidaamiyeyaasha iyo hab dhaqanka maamul, gaar ahaan marka ay culays ku abuuraan dadka gudbinaya codsi-wadareedyada si ay u caddeeyaan xuquuqdooda.