Wasaaradda Haweenka iyo Horumarinta Xuquuqda Aadanaha oo Tababar u furtay Howlwadeennada Wasaaradda, Qaar ka mid ah Odayaasha Dhaqanka iyo Culimada.

Maanta oo ay taariikhdu ku beegantahay 24 bisha September, Wasaaradda Haweenka iyo horumarinta Xuquuqda Aadanaha waxa ay tababar ku saabsan tacadiyada ka dhanka ah haweenka, hoggaaminta, nabadeynta iyo xallinta khilaafaadka u furtay howlwadeennada wasaaradda, qaar ka mid ah odayaasha dhaqanka iyo culimada.

Tababarkaan oo socon doono muddo labo maalin ah ayaa waxaa furay agaasimaha shaqaalaha iyo tababarrada Wasaaradda Cabdirisaaq Aadan Guuled.

Dhinacyadan kor ku xusan ayaa loo tababari doonaa sidii ay dhankooda tababar usii siin lahaayeen bulshada Soomaaliyeed qeybaheeda kala duwan, si meesha looga saaro tacadiyada haweenka, kaalin mug lehna ay uga qaataan nabadeynta iyo xallinta khilaafaadka.

Tababarka waxaa taabba galiyay UNDP.

 

Facebook
Twitter
LinkedIn
WhatsApp
Scroll to Top